Cismaan Caato oo galabta ku geeriyoodey gurigiisa degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho

41

Hoygii uu ka degnaa degmada Hodan ee gobalka Banaadir ayuu ku geeriyooday ,iyadoo ehelada marxuunka ay warbaahinta u sheegeen in aysan jirin xanuun uu qabay, balse lagu soo booday.

cismaancaato

Dowladdii KMG-ka ahayd ee lagu dhisay kenya ayuu Cismaan ka noqday Xildhibaan isagoona markii danbe wasiir ka noqday, ilaa dhammaadkii sanadkii hore Cismaan ayaa ka mid ahaa Xiliibaanadii baarlamaankii ku meelgaarka ahaa.

Waxa uu ka mid ahaa Cismaan Caato hogaamiye kooxeedyadii soo maray Soomaaliya, islamarkaana ahaa ganacsatade. Waxa uu ifka kaga tagay 26 Carruur ah oo uu dhalay  9ka mid ah ay gabdho yihiin, halka17- ka kalane ay wiilal yihiin.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.