Qaraxyo is xigxiga oo dhowr meel oo magaalada Muqdisho ah ka dhacey Afurkii ka dib

114

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa qasan, iyadoo qaraxyadii ugu badnaa mar qudha ay ka dhaceen wixii ka dambeeyay afurkii caawa.

Qaraxyada oo ahaa kuwo tiro badnaa ayaa lala eegtay saldhigyo ciidanka booliska, goobo baro ciidan iyo wadooyin, waxaana tani ay muujineysa shakiga laga qabo ammaanka caasimada.

Sida ay wararku sheegayaan qaraxyadan ayaa ahaa mid gees magaalada ilaa bartamaha ay gaareen, ka bilow min Isgoyska Ex Koontarool Afgooye oo ah halka Muqdisho looga baxo ilaa degmooyinka waqooyi.

Meelaha qaraxyada bambaano laga maqlay ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Ex Koontarool Afgooye, Suuqa Beerta ee nawaaxiga Jaamacadaha oo fariisin ku lahaayeen AMISOM, Seybiyaano, Isgoyska Banaadir, nawaaxiga Saldhiga Waabari qeybo ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, Xamar weyne iyo Xamar Jajab oo fiidkii caawa dhowr qarax laga maqlay.

Sidoo kale waxaa qaraxyo laga maqlay xaafado ka tirsan Wardhiigley, gaar ahaan halka lagu magacaabo Cali Kamiin.

qaraxIsmiidaamin

Qaraxyadan caawa dhacay ayaa ka badnaa ilaa tobaneeyo qarax oo si aad ah looga maqlayay magaalada oo dhan, iyadoo dadka reer Muqdisho ay caawa u aheyd habeen taariikh ah degmo walbana ay saameeyeen qaraxyada.

Inta la og yahay waxaa qaraxyada ku dhaawacmay ilaa todobo oo qaar ka tirsan ay yihiin askari, inkastoo aanay wali war ka soo bixin saraakiisha caafimaadka.

Qaraxyadan ayaa ku soo aadaya xilli maanta Taliska Booliska uu soo bandhigay waxyaabo qarxa iyo dad gaarayay toban ruux oo labo ka mid ah ay haween ahaayeen kuwaasoo lagu soo eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal amni daro.

Xalay ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu si lama filaan ah u kormeeray Isgoysyada wadooyinka Muqdisho, iyadoo intii uu kormeerka ku howlanaa uu ku arkay goobo ganacsi furnaa iyo dhalinyaro wadooyinka Kubad ku ciyaareysay.

You might also like More from author

Comments are closed.