Qarax lala eegtay 2 ka mid ah baalayaasha Nalalka Cadceeda ee Maka Al Mukarama – agagaarka Guriga Shaqaalaha

51

Labo qarax oo waa weyn oo saaka waabarigii hore ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ayaa lala eegtay Baalayaasha nalalka cad ceeda ku shaqeeya ee suran wadadaas.

Qaraxyada oo ahaa kuwo xoogan oo laga maqlay guud ahaan amgaalada ayaa ahaa mid lagu xiray ilaa labo baalo oo suran inta u dhaxeysa Gurigii shaqaalaha ilaa Tareebiyaano.
baala
Qaraxyada ayaa waxay dhulka dhigeen labo baalo oo kala ah baalaha 25aad iyo baalaha 49aad, iyadoo qaraxa ahaa mid lagu xiray.

Goob joogayaal ayaa sheegay in markii qarxeen baalayaasha ay labo ruux oo rayid ah dhaawacyo ka soo gaareen, kuwaasoo wadada marayay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee lagu qaado Baalayaasha ku xiran wadada Maka Al-Mukarama oo ah wado ammaankeeda aad loo ilaaliyo, iyadoo bil ka hor la qarxiyay baalayaal lagu xiray Wadada Sodonka.

Ma jirto ilaa iyo hada war ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir oo horay u sheegay in dhamaan jidadka Muqdisho ay nalal ku xirayaan, iyadoo aysan jirin cid sheegatay weerarkan.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.