Dil Magaalada Beledweyne loogu geystay Afhayeenkii Odayaasha Beelaha Gobolka Hiiraan

80

Dilalka qorsheysan ayaa noqdey kuwa aad ugu soo batey dalka gaar ahaan bisha barakeysan ee Ramadaan, kii ugu dambeeyey ayaa waxaa waxay kooxo bastoolado ku hubeysan goor dhaw oo maanta ah ku dileen meel aan ka fogeyn gurigiisa afhayeenkii odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan Xuseen Cilmi Ibraahim.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in sadax dhalinyarro ah oo ku hubeysan bastoolado weerar ku qaadeen marxuum-ka xili uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne.

beledweyne

Lama oga illaa iyo hadda cid dhab ahaan ka danbeysay dilka marxuum-ka oo siweyn caan uga ahaa magaalada gaar ahaan gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, waxaana uu ahaa xubin fir fircoon siweyn uga dhax muuqan jiray shirarka kala duwan ee dhaqanka iyo siyaasada labadaba ku saleysan.

Ma jiro wax war ah oo wali maamulka gobolka uu ka soo saaray dilka Alle ha naxariisteen afhayeenka odayaasha dhaqanka Xusseen Cilmi Ibraahim, hasse ahaatee waxaa socda howlgalo ay wadaan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.

Labaantii bishan aynu jirno ayeey aheyd markii magaalada lagu toogtay guddoomiye ku-xigeenkii maxkamadda degmada Baladweyne Xussan Cilmi Ciyoow [Xassan Dheere] oo maanta loo soo bandhigay warbaahinta gacan ku dhiiglaayaashii ka danbeeyay dilkiisa.

You might also like More from author

Comments are closed.