Kulan dhexmarey Odey-dhaqameedyada iyo Ergiga Gaarka ee Qaramada Midoobey ee Somalia

34

Kulan dhex marey maanta Ergiga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Somalia iyo duubabka Soomaaliyeed ayaa la isla soo qaadey dedejinta  xildhibaanada weli ku harsan gacanta odayaasha qaarkood iyo keenista bedelka xildhibaanadii Gudiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka dib ugu celiyeen odayaasha dhaqanka kuwaasoo ka gudbi waayey shuruudihii la rabay inay soo buuxiyaan.

Odayaasha qaarkood gaar ahaan kuwa ka soo jeeda beelaha Digil & Mirifle ayaa si aad ah uga caga jiidaya in ay bedelka xildhinaanadaasi la keeno, iyagaa  ku andacoonaaya in wax dambi  maxkamadeed oo loo haysto hogaamiye kooxeedyada dib loogu soo celiyey jirin. Waxayna odayaashaasi ku adkeysteen in aysan bedelkooda hayn, beelahooda ay soo gudbisteen sidaas darteedna ay tahay in sidooda lagu aqbalo ayna kaga mid noqdaan xubnaha cusub ee barlamaanka, hase ahaatee Augustine Mahiga ayaa sheegey in aysan suurtogal aheyn in beelaha qaarna laga ogolaado halka kuwa kalena keenaan bedelka hogaamiye kooxeedyadaasi iyo kuwa sharuudaha kale buuxin waayey.

Waxuuna ugu dambeyntii ka codsadey odayaasha in ilaa maalinta berito ah ku soo gudbiyaan xubnaha cusub ee laga dhowraayo isla markaasna keenaan bedelka xildhibanaada aan soo buuxin sharuudaha guddiga farsamada u dhigan.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.