Wasiirka Arrimaha Dibada Turkiga oo ka warbixiyey khasaaraha shaqaalahooda ka soo gaarey qaraxii ismiidaaminta

46

Wasiirka arrimaha dibeda ee dowlada Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa fal argagaxisanimo ku tilmaaamy weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab lagu beegsaday xarun ay degenaayeen shaqaale Turki ah oo ku taala magaalada Muqdisho.

Ahmet Davutoglu ayaa u caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay qaraxaas oo uu xusay iney ay ku dhinteen ciidamo Turkish ah, qaar kalena ku dhaawacmeen.

Qoraal wasiirku soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in sarkaal ciidan uu kaga shahiiday weerarkii ka dhacay dhismaha guriga ay degenaayeen shaqaalaha safaarada kaasoo ka mid ahaa ilaaladaa xaruntaas, ayna kaga dhaawacmeen sadex ka mid ah shaqaalahooda.

Wasiirka ayaa sheegay in taxadar badan oo markii hore laga muujiyey amaanka xaruntaas uu sababay inuu aad u yaraado khasaaraha ka dhashay weerarkaas lagu soo qaaday oo masuuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab.

Turkish Foreign Minister Ahmet Davutoglu is photographed during meeting at the Foreign Ministry in Islamabad
Waxaa xarunta soo weeraray gaari iyo labo nin oo qaraxyo soo xirtay dad badana noogama shahiidin, waxaan u mahad celinayaa ciidanka amaanka ee ka hortaga sameeyay” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiirka.

Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada Turkiga ayaa sheegay in markii weerarkaas uu dhacay ka dib uu wasiirka arimaha dibada la soo xiriiray safiirka dowladiisa u fadhiya Soomaaliya Kani Torun uuna wax ka weydiiyey sida ay wax u dhaceen.

Dowlada Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka wada mashaariic fara badan oo lagu soo nooleynayo adeegyada bulshada sida dhismaha Isbitaalo, dugsiyo, wadooyin iyo xarumo kale, lamana oga saameynta uu ku yeelan karo weerarkan oo noqonaya kii 2aad ee Muqdisho lagula eegto

You might also like More from author

Comments are closed.