Qaraxyo xalay fiidkii lagu weerarey Ciidamada Dowladda ee sugnaa xaafada Kasabalbalaare KBB

105

Magaalada Muqdisho waxaa xalay fiidkii ka dhacay fal dil ah iyo qarax miino oo lala eegtay ciidamo ku sugan xaafadda KBB ee degmada Hodon, iyadoo dhammaanba kooxihii falkaasi ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

qaraxiiKismaayo

Xilligii afurka kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa fal dil ah ku fuliyay nin fadhiyay gurigiisa hortiisa xaafadda Tarebuunka ee magaalada Muqdisho, iyadoo ninkaasi ilaa iyo iminka ay ka soo baxayaan warar kala duwan sababtii loo dilay, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in ninkaasi uu ahaa macallim dugsi Qur’aan, halka warar kale ay sheegayaan inuu ahaa askari ka tirsan ciidamada Dowladda.

Dhinaca kale xaafadda KBB ee degmada Hodon waxaa ka dhacay qarax miino oo lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Dowladda, kuwaasi oo la sheegayo inay uga dhaawacmeen ilaa saddex askari.

Falalka qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo Dowladda Federaalka ay sheegeyso inay waxka qabaneyso xaaladda nabadgelyo ee sii xumaaneysa.

Idale News ONline

You might also like More from author

Comments are closed.