Dhageyso: Ugaaska Beesha Biimaal oo sheegay in dagaalkii gobolka Sh/Hoose weli socdo oo la isku habeensadey kuna fidey deegaanka KM 60. dhaawac iyo dhimasho badanna ay jiraan

50

Wararka ka imanaaya gobolka Shabellaha Hoose ayaa shegaya in shalay ilaa xalay ay halkaasi ka dhacayeen dagaalo qaraar oo u dhexeeya labo beelood oo deegaankaasi wada daga.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Si rasmi ah looma inta uu la egyahay khasaaraha dagaalka, waxaana baaqyo kala duwan u diray dowladda Soomaaliya iyo Xildhibaanada deeganadaasi kasoo jeeda.

[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/Wareysi-Ugaas-Faarax-Cabdi-Sheekh-25-07-2013.mp3]

 

UgasBimaal

Waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda gobolka ayaa ku eedeeyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya in a ka danbeeyaan dagaalka ka dhacaya gobollka Shabeellaha hoose dhaqaalllana ku bixinayaan.

Xiisad xoogan ayaa laga dareemaya magaalada Marka iyo deegaanada ku dhow dhow, iyadoo ciidamada dowladda ee qaab beelleedka u abaabulan uu u muuqdo dagaalkooda mid ku saleysan maamulka magaalada Marka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobollka Shabeellaha hoose iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee  ku sugan gobolka oo ku aadan ciidamada dowladda ee qaab beelleedka ugu dagaallamaya halkaa.

Ugaas Faarax Cabdi Sheekh oo kamid ah Odayaasha gobolkaasi ayaa u shegay Warbaahinta gudaha in Beesha Biyamaal weerar ay kusoo qaadeen Malayshiyo taabacsan Beesha Habargidi.

You might also like More from author

Comments are closed.