Dhageyso: Gudoomiyaha Degmada Marka: “Shacab maato ah ayaa lagu laayey Deegaanka Ceel Wareegoow ee gobolka shabeelaha hoose”

251

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Hoose ayaa kusoo waramayo in dagaal hada ka holcayo deegaanka ceelgaroow oo katirsan gobolka Shabeelada Hoose.Dagaalkan oo sida la sheegay u dhaxeeya Beelaha Habargedir iyo Biyamaal ayaa bilowday kadib markii la weeraray gudoomiyihii deegaankaas.

Ciidamada dowlada ee kusugan deegaankaas ayaa la sheegay inay la kala safteen beelaha halkaas ku dagaalamaya.

Khasaaraha dagaalkan ka dhashay wali lama oga, waxaana lagu soo waramayaa inuu wali soconayomasuuliyiinta maamulka shabeelada Hoosana ay kusii jeedaan deegaanka uu dagaalka kasocoda.

dagaalkaMarko

Dowlada Somalia ayaan wali ka hadal dagaalkan ka soconaya gobolka Shabeelada Hoose. Hoos ka dhagayso gudoomiyaha magaalada Marka oo idaacada Kulmiya wareysatey ayaa ka warbixinaya dagaalka:

[audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/07/ceelwareegow.mp3]

Idale News Online

 

You might also like More from author

Comments are closed.