Dagaal Beeleed ka soconaaya Deegaanka Ceel Wareegow ee Gobolka Shabeelaha Hoose

53

Wararka aan ka heleyno deeganka Ceel wareegoow ee gobolka Shabeelaha Hoose,  ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconayo dagaal xoogan oo u dhexeeya, maleeshiyo  beeleedyo  maalmahan  deeganada gobolkaasi isku haystay.

Dagaalka, ayaa  wuxuu ka dambeeyay ka dib markii gudoomiyaha deeganka Ceel wareegoow ay kooxo hubeysan rasaas ooda kaga qaadeen , waxaana kadib goobta soo gaaray ciidamo caawinayay gudoomiyaha kuwaas ah maleeshiyo deeganka ah.

Marka

Dagaalka, ayaa inntaasi ka dib wuxuu isku badalay mid qaab qabiil ah sida goob joohyaal ku sugan deegaanka ay inoo sheegeen

Gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisowoo warbahinta la hadlay, ayaa sheegay in isaga iyo waliba gudoomiayha gobolka Shabeelaha Hoose c/qaadir Maxamed Nuu “siidii” ay kusii jeedaan deegaanka dagaalka uu ka soconayo isla markaasaina  xaalka ay dajin doonan .

Wuxuu sheegay in dagaalku uu u dheexeyo maleeshiyo beeleedyo wada dega gobolka, waxaana uu sheegay inay kawada tirsan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya oo qaab maleeshiyo beeleed isku ababulay, isagoo tilmaamay in dagaalka maanta uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah , inkastoo uusan cararbaabin inta uu la egyahay .

Mudanayaan ka tirsan Barlamanka Soomaliya ayaa dhawaan lagu eedeeyay  in xiisadda dagaal ee gobolka Shabeelaha Hoose ay sii hurinaya , waxana marba mark kasii dameysa sii xoogeysan xiisadda ka taagan gobolka Shabeeelaha Hoose .

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.