Dhageyso: Taliyaha Nabadsugida Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhaawaciisa ku eedeyey Taliye ka tirsan ciidanka Xoogga

51

Dhaawac culus oo taliyaha Nabad Sugida Gobolka Shabeelaha Hoose iyo istaafkiisa loogu geystey meel u dhow tuulada Muuri ee gobolka shabeelaha hoose ayaa dhaliyey xiisad iyo khilaafka horeyba uga dhaxeeyey beelaha diriraaya deegaano ka tirsan gobalkaas  ee Biyamaal iyo Habar Gidir, kuwaasoo dagaalkoodu uu bilihii ugu dambeeyey soo noqnoqonaayay haddana ay muuqato iyo saraakiishii labadaas beelood ciidamada dowlada uga jirey ay beelahood la kala safteen ayna is ugaarsanayaan.

[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/Halkaan-ka-dhageeso-gudoomiyaha-deegaanka-Nambar-Konton-oo-ka-hadlaya-dhaawaca-sargaalkaan-.mp3]

Dhageyso Eeedeyntaan uu mid ka mid ah masuuliyiinta Gobolka dusha ugu tuuraayo sarkaal ciidanka ka tirsan

Marka

Barlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray wasiirka arrimaha gudaha Mr Cabdikariim Xuseen Guuleed si ay su’aalo uga weydiiyaan xaalada deegaanada gobolka shabeelaha Hoose ee dirirtu ka socota, isla markaasna u xakameyn waayeen ciidamada dowlada ee la kala safan beelaha ay ka soo jeedaan.

Idale News Online

 

You might also like More from author

Comments are closed.