Ganacsade Xaaji Qoorey oo dil kaga badbaadey gudaha magaalada Baledweyne

45

Wararka naga soo gaarayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Rag ku hubeysnaa Bastoolado ay dhaawac culus u geysteen nin Ganacsade ah.

Dhawaca ayaa geystay sida ay wararku noo sheegayaan Afar nin oo ku hubaysnaa bastoolado, iyagoona dilka ka geystay bartamaha magaalada Beledweyn.

Ganacsadaha la Dhaawacay, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xaaji Qoorey, waxaana dhaawaca loo geystay xilli uu marayay bartamaha magaalada Beledweyn.

beledweyn

Mid kamid ah Saraakiisha Caafimaadka ee isbitaalka Beledweyne ayaa warbaahinta u sheegay in ay la tacaalayaan dhaawacda soo gaaray ganacsadaha, iyagoona sheegay in dhaawaca aan la dhaliilsan Karin dhibaatada kasoo gaari karta Ganacsadaha.

Dhaawaca kadib, ayaa waxaa goobta ka baxsaday Dableydii weerarka geystay, illaa hadda lama oga sababta loo beegsaday ganacsade Xaaji Qoorey.

Dhanka kale, Cabdi Bishaar Aadan  oo ah Guddoomiyaha degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan maleeshiyo ka tirsan Alshabaab, isagoo intaasi raaciyay in la soo qaban doono ragga weerarka geystay.

Ugu dambeyntii, weerarka kadib, ayaa waxaa goobta gaaray Ciidanka dowladda iyagoona baaritaano ku soo qabqabtay Rag lala xiriirinaayo weerarka.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.