Saciid Dhagajuun oo ka mid ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho Lagu Dilay

52

Xidigle ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed laguna magaacaabo Saaciid Dhaguun isla markaasna si aad ah looga yaqaano degmooyinka  Xamar Jajab, Waaberi, Xamar weyne iyo Hodan ayaa maanta lagu dilay xaafada Kaasa balbalaare ee degmada Hodan.

Dilka Saciid Dhagajuun ayaa la sheegayaa in ay ka dambeeyeen kooxda Alshabaab oo beryahan dilal qorshaysan ka wada magaalada caasimada ah ee Muqdisho. mana jirto ilaa iyo hadda cid loo soo qabtey dilka Saciid dhagajuun.

Xidigle Saciid Dhagajuun ayaa isla maanta lagu aasey xaafada Iskoola Boliisiya, halkaas uu muddo dhowr iyo labaatan sano deganaa.  Amni darada ka jira magaalada Muqdisho ayaa sii korardhey bishaan Ramadaan, waxuuna dilka xidiglahaan boliiska ka tirsan ku soo aadaaya iyadoo dowladu sheegtay in ay ciidamo amniga magaalada wax ka qabta lagu soo daadiyey guud ahaan magaalada Muqdisho.

dilqorsheysan

Idale News Online, Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.