Gadiid dagaal iyo Rasaas uu lahaa Col. Barre Hiiraale oo la sheegay in lagu burburiyey duqeyn Cirka ah oo Kenya ay ka qaadey Tuulada Goobweyn ee u dhow degmada Kismaayo

48

Wararka naga soo gaaraya Magaallada Kismaayo, ayaa sheegaya in Weerarkii shalay lagu qaaday Col. Barre Hiiraale iyo Ciiddamadiisu uu Khasaara ba’an kasoo gaaray Ciiddamadda Barre Hiiraale.

Warar dheeri ah oo laga helaayo dadka degan gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Duqeyntii shalay ay Kenya ku qaaday Duleedka Kismaayo lagu bur-buriyay Gaadiid Dagaal oo ay la haayeen Ciiddamo taabacsanaa Col. Barre Hiiraale.

Gantaalada oo ahaa kuwa badan, ayaa waxaa lagu riday Duleedka Magaalada Kismaayo xilli halkaasi ay Dhaqdhaqaaqyo Ciiddan ka wadeen Ciiddamadda Barre Hiiraale.

Inta badan Gantaalada ayaa waxaa lagu riday dhanka Bannaanka Goobweyn, iyadoona ku dhawaad Afar Gaari nooca dagaalka ay halkaasi uga gubteen Ciiddamadda Col. Barre,kuna waxyeeloobeen Ciiddamo farabadan.

barreHiiraale

Dhanka kale, warar dheeraad ah oo halkaasi laga helaayo, ayaa xaqiijinaaya in duqeyntaasi lagu bur-buriyay Hub farabadan oo ku jiray Meel maqaasiin u aheyd Ciiddamadda Col. Barre Hiiraale, wallow wararka ay sheegayaan in duqeyntaasi ay ka dambeysay, ka gadaal markii ciidanka sirdoonka maamulka Jubaland ee Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”  ay heleen warar hoose oo ku aadanaa in Col. Barre uu Xilligaasi duulan ku ahaa Kismaayo.

Tan iyo markii Axmed Madoobe, loo doortay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa waxaa sii xoogeysanaayay Weerarada iyo Colaadaha u dhexeeya Maamulka Jubaland ee ka arimiya magaalada dekada ah ee Kismaayo iyo Ciiddamada Col. Barre Hiiraale, taasoo sii xoojineyso Colaadaha u dhexeeya qaar Beelaha ka soo jeeda Kismaayo.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.