Uhuru Kenyatta oo sidii Muslimiinta u labistay, afurna u sameeyay Muslimiinta Kenya (VIDEO+SAWIR)

65

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa aqalka madaxtooyada afurin ugu sameeyay Muslimiinta dalkiisa, isagoo halkaasina kula dardaarmay Muslimiintii kasoo qeybgashay xafladda afurinta ee uu sameeyay Mr. Uhuru.

Uhuru Kenyatta oo u soo lebistay qaabka Muslimiinta, isagoo soo xertay Khamiis, koofiyad cad iyo cimaamad gaduudan ayuu soo dhex fadhiistay Muslimiin fara badan oo reer Kenya, kuwaasi oo uu ku casuumay aqalka madaxtooyada Kenya looga taliyo.

Wuxuu kula dardaarmay Muslimiinta Kenya in ay muujiyaan isku xernaan iyo jaceyl, noqdaana dad walaalo ah.

Cashadan afurinta ee uu sameeyay Uhuru Kenyatta ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madax sare oo dalka Kenya ka tirsan, Ganacsato iyo qeybaha bulshada reer Kenya.

HALKAN KA DAAWO UHURU OO LA AFURAYA MUSLIMIINTA KENYA

[vsw id=”JhB-3OyEAQQ” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.