Top News:- Col. Barre Hiiraale oo gaaray Magaalladda Baraawe iyo kulan xasaasi ah oo kala dhexeeya Alshabaab

61

ghghgjgjgjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjjj

Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaaray Xafiiska Shabakadda Soomaalidamaanta ee Magaalladda Muqdisho, ayaa sheegaya in Col. Barre Aadan Shirre (Barre Hiiraale’’ uu gacanta u galay Maleeshiyadda Alshabaab, isagoona loo gudbiyay Magaalladda Baraawe oo ah halka iminka looga arimiyo Maleeshiyadda.

Xasan Qaasim Warsame  oo ah Afhayeenka u hadla Col. Barre Hiiraale, ayaa waxa uu xaqiijiyay in Col. Barre Hiiraale uu iminka ku sugan yahay Maggaallada Baraawe, isla markaana kulamo xasaasi ah halkaasi kula leeyahay Saraakiisha iyo Madaxda Kooxda Alshabaab oo Xilligaani halkaasi fadhi u ah.

Col. Barre Hiiraale, ayaa waxa uu Maleeshiyadda kala arinsanayaa sidii ay isaga kaashan lahaayen gacan ku dhigista Magaallada Kismaayo, iyadoona ay wararku sheegayaan in Heshiis socday muddo bil ah uu halkaasi ku gaaray Col. Barre Hiiraale.

Dhanka kale, warar hoose oo laga helaayo dhanka Saraakiisha Maleeshiyadda Raaskambooni, ayaa sheegaya in ka hor inta uusan Col. Barre aadin Baraawe ay Colaad iyo Khilaaf kala dhex abuurantay Ciiddamadiisa, waxa ayna Arrintaasi ay soo dedejisay in Col. Barre iyo Afar tigniko uu watay uu aaday dhanka Magaalladda Baraawe, halkaasi oo ay Saraakiisha Raaskambooni ku sheegen inuu kula kulmi doono Alshabaab.

Alshabaab weli kama aysan hadlin Arrinta Col. Barre Hiiraale ee ku aadan inuu u socdaalay Magaalladda Baraawe, balse waxaa la filaaya in saacadaha soo socdo war cad laga soo saari doono Arrinta Col. Barre iyo Alshabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.