DEG DEG. Helen Thomas Hormoodkii Suxufiyiinta Aqalka Cad Ee La Soo Shaqaysay 10-Madaxweyne Oo Geeriyootay

46

u_105560d_2013-7-21-6-48-24f_GERI

Haweenay loo aqoonsaday hormoodka suxufiyiinta Aqalka Cad ee looga Taliyo dalka Maraykanka ka hawl gala, Helen Thomas, ayaa ku geeriyootay cusbitaal ku yaala Magaalada Washington ee caasimadda dalka Maraykanka halkaas oo xaalad caafimaad xumo oo soo waajahday loo geeyay.

Helen Thomas oo 92-jir ku geeriyootay sabtidii maanta ee July 20, 2013, ayaa la soo shaqaysay toban Madaxweyne Oo Maraykan ah, oo ka soo bilaabmay Kennedy ilaa Obama.

Helen Thomas, oo asalkeedu ka soo jeeday Lubnaan, ayaa ka mid ahayd suxufiyiintii waydiimaha ugu badan, ku liishaamay madaxdii Maraykanka, haba ugu darnaado, George W. Bush, oo ay kaga soo hor jeeday dagaalkii Ciraaq, Waxa kale oo ay si adag uga soo Horjeedi jirtay Israel.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.