Nin Curyaan ah oo baskiilka naafada saaran oo weerar bam gacmeed ku qaadey garoonka caalamiga ee magaalad Beijing ee dalka China

51

Nin Curyaan ah oo saaran baaskiiladaha dadka naafada ah, ayaa bamb gacmeed kuwa guryaha lagu farsameeyo ah, ku tuuray Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Beijing, ee caasimadda dalka Shiinaha.

beijing

 


Ninkan oo la sheegay in uu caraysnaa, ayaa weerarkan ku qaaday qaybta laga soo dego ee Terminal-ka 3aad ee Madaarka, waxaana Curyaankan oo mar danbe magaciisa lagu sheegay Ji Zhongxing uu ka yimi degaanka Shandong,

weerarkaas oo ilaa wali baaritaankiisu socdo ayaa la sheegay in cida kaliya ee khasaare ka soo gaaray, ahaa ninkaas tuuray bambo gacmeedka uu isagu gacantiisa ku samaystay, waxaanay wakaaladaha wararka dunidu baahiyeen, sawirada ninkaas oo fuushan baaskiilkiisa ka hor intaanu Qaraxa gaysan iyo markii danbe sida xaalada Madaarku noqotay

Madaarka Beijing oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan dunida ayaa shaqadiisu muddo hakad gashay, waxaanu weerarkan oo aan ilaa wali ujeedadiisa la cadayn, uu ku noqonayaa dhaawac soo gaara ammaanka Madaarka oo ka mid ahaa kuwa ugu wanaagsan dunida uguna nabad galyada badan.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.