Daawo: 92 jir Ciraaqi ah oo guursadey haweeney 22 sano jir ah & caruurtiisa iyo waxay sii dhaleen oo kor u dhaafey 325

47

Odeygaan oo lagu magacaabo Muslaiy Moxammed oo 92 sano jir ah una dhashay dalka Ciraaq ayaa waxaa la sheegay inuu dhawaantaan uu guursaday haweeney si aad iyo aad ah uga da’a yar oo lagu magacaabo Muna al-Jabouri oo 22 sano jir ah, Haweeneydaan ayaa waxay sheegtay inay ninkaas ay aqbashay guurkiisa ka dib markii ay aragtay sawiradiiisa oo ayna u aragtay inuu noqon karo ninkeeda, Odaygaan reer Ciraaq oo haweeneydiisii hore ay ka geeriyootay mudo 3 sano ah ka hor ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey geerida xaaskiisa uu dareemay cidlo iyo keli ahaan taas oo keentay inuu mar dambe uu jecleysto inuu mar kale guursado, Ninkaan odeyga ah oo leh ilaa iyo 18 caruur ah ayaa waxaa arintaas ka qeyb qaatey wiilashiisa oo u doonay xaaskaan cusub ee uu guursaday.

musaliMohammed

Iraqi-92-years iraqioldMan

Ugu dambeyntiina iyadoo sida uu sheegay odeygaasi uu hada ka baxay kelidii iyo cidladii uu dareemaayey ayaan waxaan la ogeyn inay haweeneyda uu guursaday ay ayaduna xaqiiqo ahaan ay ku farxsan tahay duqaas la aqal galay, Wiilasha uu dhalay odeygaan oo iyaguna ah kuwo qaba xaasas dhowr ah ayaa waxay sheegeen inay arintaan tahay wax ka caadi ah reerka uu ka soo jeedo odeygaas waayeelka, Qoyska uu odeygaan ka soo jeedo ayaa waxay yihiin qoys baaxad weyn oo ka kooban in ka badan ilaaa 325 qofood, Odeygaan ayaa waxaa kale oo uu sheegay hadii uu helo inuu guursanaayo haweeney kale oo uu ku labeyn doono xaaskiisa cusub ee da’ada yar ee uu dhawaantaan guursaday.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.