Gudoomiye ku xigeenkii 2aad ee Maxkamada Gobalka Hiiraan oo Baladweyne Xalay lagu dilay

38

Wararka naga soo gaarayo Magaalada Beledweyne, ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay Habeennimadii xalay gudaha Magaalada Beledweyne ku dileen Guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee Maxkamadda Magaaladaas, Macallin Xasan Cilmi Ciyow.

dilqorsheysan

Isaaq Cali Cabdulle, Taliyaha qaybta Boliska ee Gobolka Hiiraan, oo la hadlay Warbaahinta, ayaa waxa uu sheegay in Dilka Mas’uulka uu dhacay, ayna geysteen Koox ku hubeysnaa Bastoolado.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in Kooxda ay marka ishoodu qabatay ay rasaas ku furtay mas’uulka xilli uu ka soo baxay Masjid Magaalada ku yaalla oo uu salaadda Cishaha ku tukaday, sida uu Taliyaha hadalka u dhigay.

Dilka ka dib, Kooxda weerarka gaysatay ayaa durba goobta ka baxsatay, iyadoo Guddoomiyahana dhaawac soo gaaray loo geeyay isbitaalka weyn ee Beledweyne, halkaas oo uu ku geeriyooday.

Idale News ONline

You might also like More from author

Comments are closed.