Haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Malaawi oo jilbo jabsi ku salaantey madaxweyneyaal kale ixtiraan dartiis

36

Haweeney Madaxweyne ka ah Dalka Malawi President Joyce Banda oo u jilbajabsatay Madaxweynayaal kale si ay u salaanto.

President Joyce Banda oo arintaasi wax laga weydiiyay, ayaa waxa ay sheegtay in dhaqanka Dalkeeda uu sidaa yahay ixtiraam Awgeed, iyadoona beenisay inay isu duleyneyso Madaxda dhigeeda ah.

joyce

Joyce Banda, oo ay mar qura wada qabteen Kaamiradaha, ayaa waxaa Su’aal laga weydiiyay sababta keentay iyadoo Madaxweyne ah inay u jilba jabsato Madaxweynayaal kale, ayaa waxa ay ku jawaabtay in Jilba jabsiga uu ka weyn yahay Sumcada iyo sharafta Madaxdaasi.

Dalka Malawi, ayaa waxaa ixtiraamkii ugu dambeeyay ka ah inad rux u jilba jabsato si aad u salaanto, balse dhaqankaasi ma ah mid ay wada qabaan guud ahaan dalalka Africa.

Waa dhaqan markii ay ishu ku dhacdo ruuxa jilbaha laabanaayo aysan ishi sii eegi Karin, waayo inta badan shucuubta reer Africa waxa ay arintaasi ka aaminsan yihiin in quux kale leysu duleeyo.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.