Faalo: Sidee loo yareen karaa Musuqmaasuqa ragaadiyey dalka Somalia: By Abdi

43

Waxaa marka hore xusid mudan in dalalka qaaradaha Africa iyo Asia ee masuqmaasuqa ku badan yahay intooda badan ay xoriyadoodu qaateen intii u dhaxeysay 1950kii ilaa 1965tii, waxaana horumarkooda hortaagan ama badankooda caqabad ku ah kobaca dhaqaalahooda waa tacliim xumo (human capacity), dagaal joogta ah (civil war) iyo musuqmaasuq baahsan (corruption)

Waxa wax laga xumaado ah in iyadoo ay markii horeba dalalkaasi badidooda  dhaqaalo xumo la daalaadhacaayey ayaa haddana madaxda ugu sareysa ee xilka u dhaaratay ku takri falaan ama xadaan xoolaha qaranka oo shacabkooda ka dhaxeeya. Waxaase haddaba isweydiin mudan maxaa kalifaaya in qofka isagoo nasiib u yeeshay inuu qabto xil qaran oo  dalkiisa iyo ummadiisa si daacad ah ugu doorteen ugu abaal gudo xatooyo ama la yimaado dhaqan ah “cidna kuma arkeysee afka buuxo, aqalo jeexo, ina adeerso, qalin ku aarso ama qaranka iibso”.

Ogow xoolaha qaranka oo la boobo ama tuugonimadu iney yihiin wax isku mid oo ma kala qurux badna hadii uu heer wasiir iyo agaasime guud yahay iyo hadii uu heer bagaashle ama faqiir yahayba.  Xagga Ilaaheyna waa isaga mid xaga ummadana waa isaga mid.

Waxaa haddaba is-weydiin mudan sidee ayaa looga gudbi karaa dhibaatadaan muddada dheer dalkeena Soomaaliya gaar ahaan la degay amaba loo yareyn karaa heerka masusuqmaasuqa baahey ee dalkeena ka jira. Haddaba waxaan ku talin lahaa in mudnaanta la siiyo qodobo aan is leeyahay wax ayey at least ka tari karaan yareynta xadka musuqmaasuqa dalkeenu gaarsiisan yahay:

  1. In Sare loo qaado awooda maamul iyo shaqo ee Hanti dhawrka Qaranka lana gaarsiiyaa heer u dhigmo darajada wasiirnimo.
  2. In shaqaalaha hanti-dhawrka qaranka  iyo xisaabiyaha guud ee Qarankaba la siiyo awood baaritaan oo kadis ah si marka ay rabaan baaritaan ugu dhaqaaqi karaan wasaarada ama shaqsiga ay rabaan in ay baaraan
  3. in shaqaalaha hanti-dhoorka ee Qaranka helaan gunno iyo mushaar ku filan oo aaney cidna u haybaysan laaluush iyo dhaqaale kale oo lagu afduubo howsh hanti-dhowrka ee ummada u hayaan, isla markaasna mushaar kordhin iyo dhiirigelin la siiyo shaqaalaha hanti-dhoorka markii mudda la joogo.
  4. In la sameeyo sharci Iyo ciqaabta adag  uu mudan karo masuulkii lagu helo xatooyo xoolo qaran iyo si xun u maamulis xaafiis dowladeed.
  5. In madax dhaqameedka Soomaaliyeed lagula heshiiyo inaysan  wax hiilo qabiil ka keeni karin marka shaqsi beeshooda ku weyn lagu helo ama lagu soo oogo dambi ah lunsasho hanti qaran ama xatooyo bareer ah, la isagana dhex baxo dambiilaha iyo sharciga. 
  6. In shacabku qofka ay og-yihiin in uu ku kacey xatooyo xoolo qaran inay codkooda siisin ama dooranin haddiiba ay dhacdo in qofkaas uu isu soo taago  masuuliyad  qaran oo heerkeedu sareeyo..
  7. In waalidku ay ubadkoodu ku wacyi galiyaan kuna barbaariyaan in ay xaaraan cad tahay xatooyada xoolaha Qaranka ee dadka wada leeyahay, masuuliyadna iska saaraan ilaalintooda iyo in si gaar ah loogu takri falo.
  8. In Muwaadinka gaara darajada Wasiir ama Agaasime Guud aan musharka dawladda laga goyn haduu uu 4 sanadood xilka si aamin ah u haayey ama si saxna u wareejiyo, isla markaasna la siiyo daryeel joogto  masuul kastaa oo amaano qaran ku sifooba.

Accountability

Haddaba talooyinkaas kore iyo kuwa kaleba ayey tahay in dowladeenu  mudnaanta koowaad siiso si loo helo ummad dadkeeda iyo dalkeeda u shaqeysa oo ka nadiifa musuqmaasuq iyo xatooyo xoolaha qaranka lagula kaco, isla markaasna abaal marin u noqon karta shaqsiga sida xun u xeeladeysta xoolaha qaranka iyo midka kale ee si hufan uga soo baxo maamulka dowladeed ee loo dhiibo.   Gabagabdii waxaa dhihi lahaa “Waa in qofkastaa waxa uu dalkiia u taro lagu abaal mariyaa oo kii xada la soo taagaa maxkamad oo lagu qaadaa xisaabi xil ma leh si tuuga iyo shariifku u kala baxaan”.

By S. Abdi

 

You might also like More from author

Comments are closed.