Xildhibaano barlamaanka Somalia ka tirsan oo lacag u uruurinaaya xildhibaan Nairobi ku xanuusan

40

Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lacag u ururiyay xildhibaan Cumar Islow Maxamed oo ku xanuunsan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

cumarIslow

Xildhibaan Xasan Abshir Faarax ayaa xubnaha baarlamanka u sheegay in xaaladda Cumar Islow ay ka sii dareyso, isla markaana loo baahan yahay in laga warqabo.

Qaar ka tirsan xubnaha baarlamaanka ayaa loo xilsaaray ururinta lacagta iyo ka warqabka xildhibaan Cumar Islow.

Baarlamaanka ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntiisa Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa 2010-kii ku dhaawacmay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay haleeshay rasaas habow ah.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.