Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiim Fiqi oo Ethiopia u duuley

135

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopi

fiqi_gaashaandhiga

C/xakiin Fiqi ayaa inta uusan ka dhoofin garoonka dayuuradaha ayaa waxa uu sheegay in uu wadahadalo ku saabsan sii xoojinta xiriirka labada dal la yeelan doono madaxda dalka Ethiopia.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xusay inta uu ku suganyahay dalka Ethiopia uu kulan la yeelan doono dhigiisa dalkaasi iyagoo ka wada hadli doona sugidda amaanka gobalka iyo sidii loo sii wadi lahaa la dagaalanka ay ugaga soo horjeedaan ururka Al-shabaab.

Booqashada wasiirka warfaafinta ee dalka Ethiopia ayaa waxa uu imanayaa maalmo kadib markii ay ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa gobolka Bay ay isaga baxeen.

Idale News Online Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.