Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh oo dalka dib ugu soo laabtey

35

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu soo laabtey ka dib markii uu wadanka da’da yar ee South Sudan magaalo maddaxdiisa Juba kaga soo qeybgaley munaasabad balaaran oo lagu xusaayey sanadguuradii 2aad ee madax banaanida dalkaasi.

Mudadii 2da cisho ee madaxweynuhu ku joogey dalka South Sudan ayaa waxaa uu kulmo is dabajooga la yeeshey Madaxweyne Zulfikiir, iyo Madaxweyneyaashii kale ee munaasabadaasi joob jooga ka ahaa, Waxuuna si gaar ah kulan barlaaran ula yeeshey  jaaliyada Soomaaliyeed ee wadankaasi ku dhaqan.

soolaabasho

Madaxweynaha ayaa Airport Muqdisho  waxaa ku soo dhaweeyey masuuliyiinta sare ee dowlada Somalia  isagoo isla maantaba guda galey howlo badan oo uu madaxweynuhu doonaayo in uu bishaan Ramadaan si wadajir ah Barlamaanka iyo Xukuumada u wada furdaamiyaan.

Idale News Online, Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.