Maxaad ka taqaan Taariikhda Degaanka Xabaal-Barbaar (Ooflow) & Nolosha Tuulooyinka Hoostaga+(Sawiro)

157

Degaanka Xabaal-Barbaare waxa uu ka mid yahay deegaanka ugu balaaran ee hoostaga Gobalka Bay ee Bartamaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, deegaanka XabaalBarbaar waxa uu is si gaar ah u hoostagtaa degmada Qasax-dheere oo ah mid ka mid ah degmooyinka uu gobolka Bay ka kooban yahay waxayna isu jiraan (Xabaal Barbaar iyo Qansax Dheere) qiyaastii 35KM . Sidoo kale Degaanka Xabaal-Barbaare waxa uu leeyahay dhul-beereed la magac baxey OOFLOW. Bulshada ku dhaqan Xabaal-Barbaar iyo Tuulooyinka hoostaga waxay noloshoodu ku xiran tahay 70% Beeraha iyo xoolaha nool, waxaana ka soo jeeda dad badan oo caan ah sida wxgarad, aqoonyahano,  siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo culumo gaar ahaan kuwo ku heeldheer Tafsiirka .

barbaare01barbaare2barbaare3barbaare5

Sida ay Dad badan ii sheegeen Degaanka Xabaal-Barbaare waxa la unkamey sanadkii 1932 ama 1934 kii. waana deegaan balaaran isla markaasna aad uga weyn 5ta degmo ee gobolku Bay ka kooban yahay ee Degmada Bay, Diinsoor, Bardaale, Qasaxdheere, Buur Hakaba.  Taariikhdaas dheer oo ay deegaanka Xabaal-barbaar leedahay ka sakow weli dowladihii dalka soo marey uma aqoonsan iney tahay degmo buuxda sababta oo ah dowladihii dalka soo marey ilaa xoriyadii oo degmadu ay cadaalad daro ka tirsaneysey iyo waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeedey deegaanadaas oo iyaguna aan dheelin doorkii dadka iyo deegaanka xabaal-barbaare ka sugaayey.

Degaanka Xabaal-Barbaare waxa  hoos Imaadaan Degaano badan ama tuulooyin waxa ka mid ah:

  • Buulo-ciir,
  • Ramacadeey,idaale,
  • Gaduudo-dhunti, 
  • Baas-marka, 
  • Madooy,
  • Buulo Barako
  • Buulo-Gomor  iyo kuwa kale oo badan.

Deegaanka Xabaal-Barbaare waxa  ku soo kordhay sanadahan dambe dhismooyin cusub, isla markaasna sanadwalba la arkaayo korarka baaxada dadka iyo deegaanka Xabaal Barbaar iyo tuulooyinka hoostaga.

xabaalbarbaare2

Ganacsiga :-

Degaanka Xabaal-Barbaare waxa sanadba sanadka dambeeyo  sii kordha  tirada ganacsatada, degaanku waxa uu leeyahay  suuq weyn oo loo iibgeeyo xoolaha lagu magacaabo(Suuqa-Saylad), Waxaa sidoo kale jira suuqo kale oo ay ka mid yihiin suuqa-caanada, suuqa-diggaaga ama suuqa-Badarka ama (haruurka ama Masagada) oo dadkaasi u yaqaanaan Suuqa-dhashta. 

Degaanka Xabaal Barbaar waa aad ugu soo badanaayo Hoteelada sida gaarka loo yeehay kaasoo dadka martida iyo safarada isaga kala goosha deegaanka iyo magaalooyinka ku xeeran ay ku caweeyaan, kuwaasoo ay ka muuqato in leeyihii aqabkii nolosha oo qofka safarka ah u suurtogalinaaya inuu helo nasiino iyo raaxo ku filan. Degaanku sidoo kale waxa u leeyahay ama ka shaqeysaa isgaarsiinbta  Hormuud (HORMUUD TELCOM), taasi oo dad badan ay ku diirsadeen .

Ganacsatada deegaanka Xabaal-Barbaare waxay ka  keensadaa ama ka soo rartaa abaalbaha dadka deeganku ay u baahan yihiin caasimada wadanka soomaaliya muqdisho gaar ahaan suuqa bakaaraha .ayaga oo iibinayaa jumlad iyo tafaariiq. Xilliga fasalka soo go’ ayaan ah xilliga ay aad  mashuul badan yihiin dadka deegaan xabaal-Barbaare.maxaa yeeley degaanku waxa yimaada tiro badan oo gedisley ah kuwaas oo doonayo inay iibsadaan dalagyada ka soo go’  degaanada Ofloow ama xabaal-Barbaare.Sidoo kale degaanku waxa la keenayaa xoolaha nool oo farabadan islamar ahaantaasina  laga keenyo tuulooyinka hoosyimaado degaanka OFLOW(Barbaare).Dad badan ama shirkado dhoofiya xoolaha nool ayaa  ibsadaa.

Waxbarashada.

Degaanka Xabaal-Barbaare waxa uu leeyahay goobo lagu barto  diinta islaamka iyo Qur’aan kariimka.culumada   ayaa ka marisaa kutubada ama fidinta diinta islaamka masjidada ku yaalla magaalada Xabaal-Barbaare,islamar ahaantasina ku taxan tiro fara badan oo  dhalan yaro ah oo loo yaqaano (Xir).

Sidoo kale degaanka xabaal-barbaare malahan dugsi Hoose Iyo dhexe oo toos ah.ayada oo bulshadaas  ay aad ugu xamuun qabto in ay u heelaan ubad kooda iskuul. Boqolal caruur ah ayaan helin waxbarasho iskuul nidaami ah.marka laga riibo marmarka qaar  oo ay furaan macalimiintii hore  waxbarshad dadka waa weyn ama waxbarashada ded badan (Non- formal Education).kuwaas oo waagi hore tababaro ama agab waxbarasho ay siin jirtey Hay’ad UNICEF  ee xafiiskeedu yahay magaalada Baydhabo,hase yeeshe sanadahan dambe  gaabis ahaa sababo amaan aaw-geed.

Hadaba bulshada  ku dhaqan Deegaanka Xabaal-barbaare iyo degaanada ku dhowdhow waxay aad ugu baahan yihin in  loo dhiso Dugsi Hoose iyo weliba talo siin.dadku waxay heli karaan dhul baraan oo ku filan in laga dhiso iskuul taasina waxa kaalina ka qaadan  karaa bulshada degaanka,qurbo joota iyo dhamaan bulshada Gobalka Bay.

Caafimaadka .

Aydoo  caafimaadku uu yahay shay-qaali ah oona  ubaahan in la ilaaliyo,islamar ahaansina meeshaan aan ka marney faydhuur degaan  bulshada kasta in hesho arintaasi, ayaa waxa aan jirin ama aan lahay deegaan Xabaal-Barbaare  xitaa  MCH lagu daryeelo hooyada iyo dhalaanka.Waxa degaankani ka maqan wax aas –aasi u ah ilaalinta caafimaadka dadka  iyo weliba xoolaha nool.waxa xusitaan mudan in uu deegaanku uu leeyhay( Pharmacy  )yu  gaar loo  leeyahay oo bulshada ka caawiyaan  gargaarka deg deg ah.

W/D: Hassan Basha.

You might also like More from author

Comments are closed.