Wareegii 2aad ee Wada hadalada Somalia iyo Somaliland oo Istanbul ka furmay

36

Ergooyin ka kala socda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hadda ku sugan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga iyaga wareeg labaad ee wadahadalka uu maanta furmay.

Ergooyinka ku sugan halkaasi ayaa dhinacba kan kale uu wataa qorsho u gaara waxaana dibadda ka jooga diblomaasiyiinta Turkiga.

somaliVsSomalilandTurkey

War hordhac ah ee la soo gaarsiiyey Puntlandi ayaa sidaan hoos ku qoran ah:-

Qodobada Ajandaha Shirka:

Maamulka Somaliland wuxuu miiska soo dhigtay in Dowladda Soomaaliya Aqoonsado inay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda, halka Dowladda Soomaaliyana ay soo dhigtay in midnimada Dalka Soomaaliya la tixgaliyo, waxaa kale oo ajandaha Shirka ka mid ah in Somaliland oo dalbatay in inta wada hadaladu socdaan meeqam laga siiyo shirarka caalamiga ah, halka ay Dowladda Soomaaliyana dalbatay in maamulka Somaliland ogolaato isu socodka labada shacab. Somaliland ayaa dalbatay in Dowladda Soomaaliya soo qabato Wixii Danbi ka galay Shacabka Somaliland wakhtigii dowladdii hore ee kacaanka, magdhawna laga bixiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dalbatay in shirarka kale ee DF iyo maamulka Somaliland lagu qabto Dalka gudihiisa. Sidoo kale waxaa ku jira qodob ay Somaliland ku dalbanayso in loo madax banaaneeyo hawadeeda

Kala Soco Wararkii uGu dambeeyey ee ku saabsan Natiijada shirka Turkey, Idale News Online, www.idalenews.com

You might also like More from author

Comments are closed.