Xafiiska UNPOS oo laga soo xigtey in doorasada dib loo dhigo ilaa bisha September

29

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Magaalada Nairobi ayaa laga soo sheegayaa in dib loo dhigey doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee loo madalsanaa iney dhacdo bishaan 20keeda. waxaana dib loo dhigey ilaa bisha soo socota ee September, balse lama sheegin maalin cayiman ilaa iyo hadda balse bisha September ayaa lagu soo koobey.

Sababta ugu weyn ee dib u dhaca ku keentey howsha kala guurka ayaa lagu sheegey caqabada ka jira soo xulista barlamaanka iyo is jiidjiidka beelaha dhexdooda ah iyo iyadoo ilaa iyo hadda ay jiraan beelo aan soo gudbin xubnihii beeshooda uga mid noqon lahaa barlamaanka cusub. Waxaa kale oo jirta in iyaduna guddiga farsamada ee soo xulista barlamaanka ay tiro xildhibaano oo aan soo buuxin sharuudihii horyaaley xildhibaanada dib loogu celiyey odey-yaashii beelahooda, taasoo madaxda sare ee dowladda qaarkood ay diideen in xildhibaanadaas bedelkooda la keeno

Weli si rasmi ah looma shaacin dib u dhaca ku yimid howsha xiliga kala guurka balse waxaa la filaayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ergiga gaarka ee Qaramada Midoobey, Mahigau u sheego dib u dhaca ku yimid dhameystirka process hdowlada kmg ee dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay si weyn u filayeen in isbedel yimaado marka la gaaro 20ka bishaan August isla markaasna dalku yeesho dowlad rasmi ah oo aan ku meel gaar aheyn.

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.