Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo gaarey Turkiga si uu ugu qayb galo wada hadalka Somalia iyo Somaliland

56

Wadanka Turkiga ayaa waxaa ka socda qabanqaabada wada hadalo mar kale Wadankaasi ku dhexmari doona doowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland,  waxaana halkaasi gaaray wafuud kakala socota labada dhinac.

wasiirka-arimaha-gudaha

Magaalada istambuul ee wadanka Turkiga ayaa haatan waxaa ku sugan wufuuf ka kala socota dowlada dhexe ee Somalia iyo maamulka Somaliland ayadoo wafdiga dowlada  uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed.

Axmed Daa’uud  wasiirka arimaha dibada ee dowlada Turkiga iyo saraakiil kale ayaa hormuud ka ah shirkaasi oo lagu wada hadalshiinayo dowlada Federaalka iyo maamulka Somaliland,  kuwaasi oo horey kulan ugu yeesheen dalkasi ay ku gaareen heshiisyo hor dhac ah.

Ka hor inta aysan wufuudu gaarin magaalada Istambuul waxaa ay kulan kala warqaadasho ah ku yeelandoonaan  xafiska wasaarada arimaha dibada ee dowlada Turkiga ee ku yaal magaalada Ankara,  waxaa ayna kawada hadleen sidii loo wajihi lahaa shir mudo 3 maalmood socon doona.

Shirkii ugu horeeyay ay wada qaateen labada dhinac ayaa qeyb ka ahaa in laga wada shaqeeyo xaga nabadgeliyada la dagaalanka argagixsada iyo burcad Badeedda.

Wafdiga dowlada ayaa soo jeediyay in la abuuro jawi wanaagsan oo midnimo horseedi karata soo iyo faham.

Wefdiga Somaliland ka socda oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka maamulkaasi  oo si kooban ula hadlay warbaahinta dalkaasi Turkiga ayaa waxaa ay mujiyeen sida uu shirkan xasaasi u yahay diiradana lagu saaridoono arimo badan oo siyaasadu ay kujirto.

Bishii Abril ee sanadkan ayaay ahayd markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne Siilaanyo ay kulan ku yeesheendalkaasi Turkiga.

You might also like More from author

Comments are closed.