Taliyaha Ciidanka Booliiska oo xabsiga u taxaabey xog-hayntii Suldaan Fiqi Sayid Suldaan Fiqi, Suldaanka Beesha Tuni

0
271

Jimco, Ogoosto 17, 2012  Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeea, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa la sheegay inuu bixiyay amar lagu soo xiray gacan-yaraha Suldaanka  Beesha Tunni oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, kaasoo horay loga saaray shirka odayaasha dhaqanku ay ku leeyihiin Muqdisho.

Suldaan Fiqi Sayid Suldaan Fiqi oo ah suldaanka beesha Tunni oo la soo xiriiray Xafiiska warqabadka ee  Idale News  ayaa sheegay in ciidammo ka amar qaata Taliyaha booliiska Soomaaliyeed ay xoog ku galeen guriga xoghayntiisii oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Cabdi (Xabeeb).

“Ciidammo ka tirsan booliiska oo tiradoodu tahay 12 askari oo uu watay sarkaal lagu magacaabo Maxamed Jeylaani maxamed oo awoowe uu yahay Taliyaha Ciidanka Booliska  ayaa ugu dhacay gurigiisa,, waxayna u taxaabeen xabsiga oo uu illaa iyo hadda ku xiran yahay,” ayuu yiri Suldaan Fiqi.

Sidoo kale, Suldaanku wuxuu hadalkiisa ku daray in maalin walba jirdil lagu sameeyo xoghayihiisa oo u xiran sida uu sheegay sababo la xiriira inuu warbaahinta dhowr jeer ka sheegay in suldaanka beesha Tunni uu yahay Suldaan Fiqi Sayid Suldaan Fiqi.

Xariga xoghayahayga lagu haysto waa mid sharci-darro ah, waxaana dacwaddiisu ay u gudubtay xeer ilaalinta Qaranka; kamana daalayno dacwaddiisa inta uu dib u helayo xorriyadiisa,” ayuu yiri Suldaan Fiqi.

Taliyaha ciidanka booliiska DKMG ah ayaan weli wax jawaab ah ka bixin jawaabin eedeynta kaga timid Suldaanka beesha Tunni oo uu kasoo jeedo, waxaana xariga xoghayaha gaarka ah ee Suldaan Fiqi lagu sheegay inay qayb ka tahay cadaalad-darada lagu hayo qaar ka mid ah duubabka Soomaaliyeed.

Suldaanka Faqi  waxaa  umadda soomaaliyeed u soo jeediyey in meel looga soo wada jeesto awood sheegashada madaxda qaranka qaarkood ku kacaan iyo caburinta ra’yiga muwaadinka Soomaaliyeed, taasoo uu ku tilmaamey inay tahay cadaalad darida  dalka ka jirta ee u baahan in wax laga qabto.

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho